DataKaab waa madal waxbarasho oo online ah oo loogu talagalay in Soomaalida meel kasta oo ay joogaan ay ku bartaan xirfadaha xogta (data) iyo sirdoonka macmalka ah (AI) – si cad, si fudud, iyo luqadda hooyo.
Hadafkeenna
Dunida maanta waxaa lagu dhisaa xog. Shirkadaha, dawladaha iyo hay’adaha samafalka dhammaantood waxay u baahan yihiin dad yaqaan sida xogta loo ururiyo, loo falanqeeyo, loona adeegsado go’aan qaadashada. Hadafkeennu waa in aan dhallinyarada Soomaaliyeed siino xirfadahaas si ay shaqo u helaan, ganacsi u dhistaan, una horumariyaan bulshadooda.
Af-Soomaali
Casharrada waxaa lagu sharxaa Af-Soomaali fudud, ereyada farsamada ee Ingiriisiga ahna waa la turjumaa.
Barasho wax-qabad ah
Cashar kasta wuxuu leeyahay tusaalooyin dhab ah iyo layli aad gacantaada ku sameyso.
Wakhtigaaga
Baro meel kasta iyo wakhti kasta – mobile ama kombiyuutar, adigoo horumarkaaga la socda.
Xirfado shaqo
Excel, SQL, Python, Power BI iyo AI – xirfadaha ay suuqa shaqadu maanta raadinayso.
Waxa aan barno
- Falanqaynta xogta – Excel, Google Sheets iyo fikirka xogta.
- SQL iyo database-yada – sida xogta loo kaydiyo loona weydiiyo.
- Python ee xogta – Pandas, nadiifinta xogta iyo jaantusyada.
- Sirdoonka macmalka ah – Machine Learning, AI-ga casriga ah iyo sida si mas’uuliyad leh loo isticmaalo.
Cidda loogu talagalay
Ardayda jaamacadaha, qalin-jabiyeyaasha shaqo raadinaya, shaqaalaha doonaya inay xirfadahooda kor u qaadaan, iyo ganacsatada doonaysa inay xogtooda si fiican u fahmaan. Uma baahnid aqoon hore – waxaan ka bilaabaynaa aasaaska.